qabashada Besciokov oo ah aasaasaha exchange ga garantex

March 13, 2025

Mas’uuliyiinta Hindiya oo xirey Aasaasaha Garantex, Aleksej Besciokov, kadib Codsi ka yimid Mareykanka

Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa xirey Aleksej Besciokov, oo ah co-founder ka mid ah aasaasayaashii shirkadda cryptocurrency exchange Garantex, kadib markii Mareykanka codsaday in la qabto. Besciokov, oo ah muwaadin u dhashay Lithuania, waxaa lagu qabtay Thiruvananthapuram, Kerala, ayada oo Central Bureau of Investigation (CBI) iyo booliska Kerala ay si wadajir ah uga shaqeeyeen hawlgalkaas.

Waaxda Cadaaladda Mareykanka (DOJ) waxay sheegtay in shirkadda Garantex ay u fududeysay ururo caalami ah inay dhaqaaleeyaan lacago aan sharci ahayn, iyadoo la sheegay in shirkaddu ay ka caawisay $96 bilyan oo lacag ah in lagu maydho cryptocurrency intii u dhaxeysay 2019 ilaa 2025.

Weeraro hackersRansomware (lacagaha baadda ah ee lagu dalbado weerarada internet-ka)Falal argagixisoKa ganacsiga daroogada

Besciokov wuxuu wajahayaa eedeymo culus oo ka dhan ah sharciga Mareykanka, oo ay ka mid yihiin:Isku day inuu maydho lacago sharci darro ah (Money Laundering Conspiracy)

Ku xadgudubka Xeerarka Dhaqaalaha Caalamiga ah (International Economic Emergency Powers Act Violation)Maamulidda nidaam lacag-bixin oo aan shati sharci ah haysan

Kadib markii Mareykanka uu si rasmi ah codsaday in la qabto, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya waxay soo saartay amar xabsiyeed ku meel gaar ah March 10, 2025. Besciokov wuxuu isku dayayey inuu ka baxsado Hindiya markii la qabtay, waxaana la filayaa in la horgeeyo maxkamadda Patiala House Court ee Delhi.

Xariggan wuxuu muujinayaa sida mas’uuliyiinta caalamiga ah ay si adag uga shaqeynayaan la dagaallanka falalka sharci darrada ah ee lagu fuliyo dunida cryptocurrency. Waxay sidoo kale xoojinaysaa muhiimada xeerarka sharci iyo xakamaynta lacagaha dijitaalka ah, maadaama la adeegsan karo si sharci darro ah.

×