Wa maxay crypto reserve?

March 4, 2025

waa in loo sameeyo keyd lacagta crypto currency taasi waxay u fiicantahay suuqa cryptocurrency iyo in uu Volatility giisu hoos si saa I’d ah uusan ugu daadan sidoo kale qiimaha cryptocurrency ay sare u kac fiican sameyso ayey ka saacideysaa sidoo kale waxay ka saacideysaa in weligood jiraan coinska loo doortay crypto reserve madaxweyne Donal Trump ayaa ku dhawaaqay 5 coin oo crypto keyd u noqon doona asiga oo ujeedadiisu tahay in mareykanka uu noqdo caasimada crypto ee aduunka waxaana ka mid ah sol,solana xrp,ripple ada,cardana eth,ethereum,btc bitcoin coinskaan wey jiri doonaan hadii xitaa coinska kale ay wada baaba aan aqoonsashada crypto reserve waxay fursad utahay dhamaan suuqa cryptocurrency

Tallaabadani waxay astaan u tahay isbeddel weyn oo Mareykanku ku samaynayo istaraatiijiyaddiisa maaliyadeed, iyada oo lacagaha dhijitaalka ah loo adeegsanayo kayd qaran si kor loogu qaado hal-abuurka dhaqaalaha loogana hortago sicir bararka.

Ku dhawaaqistan kadib, suuqa crypto ayaa si degdeg ah uga falceliyay. Qiimaha Bitcoin wuxuu sare u kacay in ka badan 10%, isagoo gaaray $94,164, halka Ethereum uu kor u kacay 13%, isagoo gaadhay $2,516.

Mashruucan waxa uu soo jiitay taageero iyo dhaleecayn labadaba.

Taageerayaashu waxay rumeysan yihiin in Mareykanku uu yeelan doono saamayn weyn oo dhanka suuqa crypto ah, isla markaana ay keenayso xeerar cad oo lagu maamulo lacagaha dhijitaalka ah.

Dhinaca kale, dhaleeceeyayaashu waxay sheegayaan in lacagaha dhijitaalka ah ay yihiin kuwo si aad ah u kala beddelma (volatility), sharciyadoodu ay adag tahay, islamarkaana ay jiraan halisyo amni oo la xiriira.

Tallaabadani waxay la jaanqaadaysaa ballan-qaadkii hore ee Madaxweyne Trump ee ahaa in uu aqbali doono lacagaha dhijitaalka ah.Khudbaddii uu ka jeediyay Bitcoin 2024 Conference ee Nashville, Tennessee, wuxuu ku sheegay inuu dhisi doono “kayd qaran oo istiraatiiji ah oo Bitcoin ah,” taasoo muujinaysa taageeradiisa xoogan ee crypto.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda lama shaacin faahfaahinta ku saabsan:

Heerka kaydkan

Sida loo maalgelinayo

Jadwalka hirgelintiisa

Waxaan sugaynaa faahfaahin dheeraad ah oo ay soo bandhigi doonto dowladda Mareykanka bilaha soo socda.

×