
Blockchain waa xidhiidh xiran oo blocks ah kuwaas oo kaydiya macluumaadka wax kala iibsiga. Blocks-yadan waxay hayaan:
Xogta wax kala iibsiga (Qiimaha lacagta la diray, cinwaanada diraha iyo qaataha).
Hash (lambarka sirta ah) – Waxa uu hubiyaa in xogtu aan la beddeli karin.
Hash-ka block-kii hore – Waxay isku xireysaa dhammaan blocks si aan wax isbedel ah lagu sameyn karin.
Haddii qof isku dayo in uu wax ka beddelo wax kala iibsiga, hash-ka wuu isbedelayaa, taasoo keeneysa in la ogaado in wax laga beddelay nidaamka.
Si loo hubiyo in wax kala iibsiga crypto uu sax yahay, waxaa jira laba nidaam oo caadi ah oo loo isticmaalo:
1.Proof of Work (PoW)
Wax kala iibsiga waxaa xaqiijiya miners oo xisaabiya xisaabta adag.
Markii la xaliyo, block cusub ayaa lagu daraa blockchain.
Tani waxay u baahan tahay awood badan oo koronto ah, taasoo sababtay walaac dhanka deegaanka ah.
2.Proof of Stake (PoS)
Halkii laga isticmaali lahaa mining, isticmaalayaashu waxay dhigtaan lacagtooda si ay u xaqiijiyaan wax kala iibsiga.
Dadka haysta lacag badan (stakers) ayaa la siiya door muhiim ah oo ay ku hubiyaan blockchain.
Waxay ka isticmaasha tamar yar PoW, taasoo ka dhigeysa mid waxtar leh.