blockchain: tiknoolajiyadii bedeshey kalsoonida caalamka.
May 15, 2025
qof walba wuxuu maqlaa ereyga “blockchain” laakiin dadka badan kood si buuxda uma fahamsana waxa uu yahay.
Maanta waxaan kuu sharaxeynaa si fudud oo nadiif ah: blockchain waa sida buuk weyn oo digital ah oo qof walba u furan laakiin aan la bedeli karin.
maxaa loo sameeyey blockchain.
hadafka blockchain loo sameeyey waa kalsooni la,aanta oo laga gudbo, qof kasta wuxuu doonayaa in lacagta ama xogta uu dirayo, si badbaado leh u gaarto qofka kale iyada oo aan cid kale dhex gelin waxaa la,rabaa nidaam aan bangi, dowlad ama shirkad, aan dhex dhexaad ka noqonin nidaam dadku kalsoonida iskaga dhex helaan.
sidee ayuu u shaqeeyaa blockchain.
blockchain wuxuu ka kooban yahay bloks, (sanduuqyo) xog ah oo xariir la leh blocks kale.
marka xog cusub la,diiwaan geliyo, waxay noqotaa block cusub.
block-kasta waxaa la,mariyaa shaandho adag (cryptographic hash) si looga hortago been abuur.
sid buuk laqoray block kasta wuxuu wataa taariikh, waqti,iyo namber gaar ah.
haddii la,isku day in wax laga beddelo block hore dhammaan blockska dambe waa ay is beddelayaan taasoo aad u adag aadna u muuqata.
Tusaale fudud: blockchain sida koobiga waraaqada
u fiirso kaba soo qaad inaad heysato koobiga warqada gaadiidka hadii mid ka mid ah la bedelo dhamaan dadkii kale ayaa arkaya in midkaas aan lamid eheyn kuwa kale. Isla sidaas camal ayuu blockchain u shaqeeyaa, ma jirto hal meel oo xogta lagu keydiyo halkii copy ayeey dadka dhami wada wadaagayaan.
halkee loo isticmaalaa blockchain?
waxaa loo isticmaalaa lacagaha digital ka ah ee(cryptocurrencies) bitcoin ethereum iyo kuwo kale waxay dhiseen lacag aan bangi dhexe leheyn blockchain-na waa tiirka ay ku taagan yihiin.
supply chain management.
waa shirkado waa weyn waxay adeeg sadaan blockchain si ay ula socdaan alaabta meel kasta ay marto.
Doorashoiyinka.
sidoo kale mustaqbalka waxaa suura gal ah in codbixinta online ka loo isticmaalo blockchain si si hufan oo aan qofna loo qiyaameyn.
xaqiijinta diiwaanka.
waxa loo isticmaali karaa xaqiijinta sida dhulka. Dhalashada, shahaadiiyinka, blockchain wuxuu xaqiijin karaa in diiwaan kaasi yahay mid sax ah.
maxaa ka dhigay blockchain mid muhiim ah?
kalsooni la,aan uma baahnid inaad aaminto qof.
badbaado sare: macluumaad mar la qoray lama bedeli karo.
daahfurnaan: dadka isticmaala blockchain waxay arki karaan xogta.
otomatig: qandaraasyada caqliga leh (smart contracts) waxay fuliyaan wa yaabo la isku raacay si toos ah.
Blockchain sidoo kale waxay leedahay caqabado.
Kharashaadka tamarta: bitcoin oo kaliya waxay isticmaashaa koronto badan dalal dhan.
maxay tahay sababta aad ugu baahantahay inaad fahamto blockchain?
hadii aad tahay ganacsade shaqo raadis ama xiiseynaya mustaqbalka tikhnologyadda blockchain waa mid saameyn weyn ku leh dunida maalin kasta waxaa la hormariyaa adeegyo cusub oo ku saleysan tiknoolajiyadda waxaana muhiim ah inaad fahamto si aad.
.fursadda uga faa iideysato
. Khartarta u yareysl
.xirfad cusub u barato
sidee ku bilaabi kartaa?
akhri wax ku saabsan bitcoin,ethereum iyo sida ay ushaqeeyaan.
adeegso websites sida binance coinmarketcap iyo youtube.
samee waxyaabo fudud oo blockchain ku saleysan sida crypto wallets ama NFT.
ka mid noqo communities reddit telegram ama discord ee blockchainka- ka dooda.
gunaanad:blockchain waa mustaqbalka.
blockchain ma aha erey oo la moodo in uu asbuuca dambe tegayo balse waa isbedel dhab ah waa sida Internet-ka oo kale markii uu bilowday dad yar ayaa fahmey lkn hada waa lagama maarnaan.
hadii aad rabto inaad noqo qof horey u socda baro blockchain maanta fahamka tiknoolajiyada wuxuu kuu horseedi karaa xirfado cusub, ganacsi suurta gal ah iyo fursado aan la,tirin karin.
ficil samee hadda.
baro hal erey cusub maalin walba oo la xariira blockchain.
isku day inaad abuurto wallet.
Isku day inaad ka qeyb gasho koorso online ah.
maanta waa bilawgaaga blockchain waa waddo cusub adigana waxaad noqon kartaa qofka ugu horreeya ee dalkaaga ama deegaan kaaga ku xeel dheer.
telegrahttps://t.me/somalicrypto4m group