
taariikhda 22 dii may 2010-kii waxaa dhacay arin layaab leh oo loo aqoon saday maalinta bitcoin pizza day. Wiil lagu magacaabo laszlo hanyecz, oo ahaa barmaamij sameeye [Programmer] u dhashay wadanka mareykanka ayaa noqday qofkii ugu horeeyey ee isticmaala bitcoin si uu wax ugu iibsado, waxa uu ku iibsadey labo xabo oo pizza ah oo uu uga iibsadey maqaxi layiraahdo pizza hut ama isagoo bixiyey 10,000 oo bitcoin [BTC].
markaas qiimaha Bitcoin aad ayuu u yaraa waxaana dad badan u arkaayeen inuu yahay code aan qiimo laheyn. Laszlo oo deganaa gobolka florida, wuxuu ubaahday in uu helo pizza maalintaas. Wuxuu fariin kusoo qoray form-ka bitcoin talk .isagoo leh waxaan bixinaa 10,000 BTC ah hadii qof ii keeno labo xabo oo pizza waaweyn. Qof ingiriis ah oo layiraahdo Jeremy sturdivant oo isticmaali jirey Internet ka ayaa aqbalay heshiiska, wuxuuna u geeyey labadii xabo oo pizzaha aheyd asagoona laszlo ka qaatay 10,000 oo bitcoin ah .
sidaas darteed laszlo wuxuu noqday qofkii ugu horeeyey ee isticmaala bitcoin si rasmi ah ,taasoo ka dhigtay mid qiimo ganacsi yeeshay. Waqtigaas 10,000 oo btc waxay u dhigantey qiyaaatii $41 usd laakiin maanta qiimaha 10,000 oo bitcoin wuxuu gaarey wax ka badan 1 billion oo dollar.
laszlo ma qoomameyn, waxaana uu sheegay in uu ku faraxsanaa in uu gacan ka geystey tijaabinta bitcoin iyo muujinta in lagu iibsan karo alaab dhab ah bitcoin. Inkastoo dad badan maanta la yaaban yihiin sida uu labo xabo oo pizza ah ugu iibiyey lacag maanta gaareysa 1 billion iyo kasii badan. Laszlo waxa uu ku faanaa inuu door weyn ku lahaa hormarka bitcoin.
maalintaas 22 may hadda waxaa loo dabaal degaa sannad kasta, waxaana loogu magac daray bitcoin pizza day, iyadoo bulshada crypto ay u aragto xasuus iyo xushmad u leh geesinimadiisa iyo bilaabista isticmaalka bitcoin in lagu iibsado alaab dhab ah.
kusoo biir telegram group keena
https://t.me/somalicrypto4

coach cumar maxamed