
Bishii Maarso 11, 2025, Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa u codeeyay in la buriyo xeerka ay soo saartay Waaxda Cashuuraha (IRS) ee loogu talagalay in lagu waajibiyo barnaamijyada Maaliyadda Aan La Hagrin (DeFi) inay soo sheegaan macaamilkooda. Xeerkan ayaa loo arkay mid dhib ku ah sirta dadka isticmaala DeFi iyo horumarka warshadahaas.Go’aankan ayaa la yimid ka dib markii Aqalka Senate-ka uu horey ugu codeeyay in la baabi’iyo xeerkan Maarso 4, 2025, iyadoo codka la qaaday uu noqday 70-27. Xeerka IRS wuxuu qorsheynayay in uu u aqoonsado barnaamijyada DeFi inay yihiin “dallaaliin” (brokers), taasoo ka dhigan in ay tahay inay IRS u gudbiyaan xogta macaamiishooda, oo ay ku jiraan waxyaabaha ay iibinayaan iyo faa’iidooyinkooda.Dadka ka soo horjeeday xeerkan, oo ay ka mid yihiin xildhibaanno badan, waxay ku doodeen in arrintani ay xad gudub ku tahay sirta dadka, caqabadna ku tahay horumarka tiknoolajiyadda Mareykanka, maadaama DeFi uu yahay nidaam aan xakameysnayn oo aan u shaqeyn sida bangiyada ama shirkadaha dhaqaalaha ee dhaqameed. Xildhibaan Mike Carey, oo hoggaaminayay dadaalka burinta xeerkan, wuxuu yiri:”Xeerkan DeFi wuxuu faragelin ku yahay sirta malaayiin qof oo Mareykan ah, wuxuu carqaladeynayaa horumarka warshadaha muhiimka ah, wuxuuna culays ku noqonayaa IRS.”Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Adeegyada Maaliyadeed ee Aqalka Wakiillada, French Hill, wuxuu xeerkan ku tilmaamay “mid si cad u muujinaya faragelin xad dhaaf ah oo ka imanaysa dowladda, taasoo khatar gelinaysa in horumarka tiknoolajiyada Mareykanka loo raro wadamada kale.”Laakiin xildhibaannada ka soo horjeeday baabi’inta xeerkan, sida Xildhibaan Lloyd Doggett, waxay sheegeen in burinta xeerka ay fursad siin karto dadka doonaya inay ka baxsadaan canshuuraha ama ay isticmaalaan DeFi si ay u sameeyaan falal sharci darro ah. Doggett wuxuu yidhi:”Burinta xeerkan waxay fursad siinaysaa dadka maalqabeenka ah inay si fudud u isticmaalaan DeFi si ay uga fogaadaan bixinta canshuurta, taasoo noqon karta dhibaato weyn.”Go’aankan hadda wuxuu mar kale ku laaban doonaa Aqalka Senate-ka si loogu codeeyo tallaabooyinkii ugu dambeeyay.