

Falanqayn Qoto Dheer oo Ku Saabsan Isbarbardhigga 2017, 2021, iyo Saadaasha 2025 ee Bitcoin
Sawirkaan wuxuu muujinayaa in Bitcoin uu leeyahay wareegyo oo muuqda mar kasta oo uu kor u kaco, isagoo maraya xilliyo hoos u dhac oo dad badan ay u arkaan inay tahay burbur, laakiin dabadeedna uu si degdeg ah sare ugu sii kaco. Qodobka ugu muhiimsan ee sawirku tilmaamayo waa Bear Trap (dabin libaax), oo dhacda xilliyada kor u kacayaasha waaweyn.
Haddaba, aan si qoto dheer u falanqeyno:
1. Maxay Tahay Bear Trap?
Bear Trap waa xaalada suuqa oo qiimaha Bitcoin uu hoos ugu dhacayo si degdeg ah, taasoo dadka qaar u fasirtaan in suuqu burburayo.
Taas darteed, dad badan ayaa bilaaba inay iibinayaan lacagahooda si ay uga fogaadaan khasaaro weyn.
Laakiin hoos u dhacaasi waa mid “been abuur ah,” waxaana daba socda kor u kac aad u xoog badan oo dadkaas iibiyay ay markale dareemaan qoomamo.
2017, 2021, iyo 2025 – Waa Maxay Isku Ekaanshahooda?
2017: Qiimaha Bitcoin wuxuu sameeyey sare u kac weyn wuxuuna maray bear trap intii uu kor u sii socday, isagoo ka dib gaaray qiimo sare oo taariikhi ah ($20,000).
2021: Sidaas oo kale, waxaa jiray bear trap ka hor intii uusan Bitcoin gaarin qiimihiisii ugu sarreeyay ($69,000).
2025 (Saadaasha ): Sawirka wuxuu saadaalinayaa in Bitcoin uu markale marayo bear trap ka hor intii uusan gaarin qiimo sare oo cusub, taasoo noqon karta in uu gaadho inta u dhaxaysa $150,000 – $200,000. Sida ay sheegeen dad badan si qoto dheer wax u falan qeeya.
Maxay Tani Muhiim ugu Tahay Ganacsatada & Maalgashadayaasha?
Dad badan ayaa ka cabsada markay arkaan hoos u dhac xooggan oo keenaya in ay lacagahooda iibiyaan.
Laakiin kuwa u dhabar adayga oo aan iibin Bitcoin-kooda inta bear trap-ka lagu jiro, waxay faa’iido weyn ka helaan koror kale oo imanaya.
Haddii saadaashu sax noqoto, Bitcoin wuxuu mar kale la kulmi doonaa hoos u dhac been ah ka hor inta uusan gaadhin qiimo sare oo taariikhi ah.
Maxay Saadaasha 2025 Muujinaysaa
Haddii wareegii hore la raaco, suurtagal ma aha in 2025 uu Bitcoin sii joogo qiimo hooseeya.
Waxa ay u badan tahay inuu marayo bear trap, oo macnaheedu yahay hoos u dhac xadidan ka hor intii uusan sare u kac weyn samayn.
Taasi waxay fursad siinaysaa maalgashadayaasha si ay ugu sii diyaargaroobaan ugana faa iideystaan dhaqaaqa dambe
Gunaanad
Haddii aad tahay maal-gashade Bitcoin, waa muhiim inaad taxaddar yeelato markaad aragto hoos u dhaca weyn sababtoo ah marar badan ayuu been abuur noqdaa.
Dadka haysta Bitcoin muddo dheer kadib ayey badanaa faa’iido badan helaan marka wareegga kor u kaca dhamaado.
Saadaasha 2025 waxay muujinaysaa in Bitcoin uu mar kale gaarayo heer cusub, laakiin waxa muhiim ah in la barto taariikhda hore si looga fogaado khaladaadka iibka degdegga ah.
waa walaalkiin cumar oo idin leh ramadaan kariim Faalada Comments kasoo dhiibo adoo hoos kusoo qoraya wixii rayi gaaga ah