bitcoin pizza day: maalin taariikhi ah oo bedeshey mustaqbalka lacagta bitcoin.
May 16, 2025

maalinta bitcoin pizza day waa xasuus qoto dheer oo sida ganacsi yaryar uu u noqon karo bilow waali ah! Ma ogtahay in 10,000 btc lagu iibsadey labo pizza ah? Hada qiimahaas wuxuu noqon lahaa balaayiin dollar! Maalintaas waxay cashad inoogu tahay dulqaafka iyo crypto.
22-may 2010 kii waxaa dhacay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu yaabka badan uguna qiimaha badan ee taariikhda dhaqaalaha casriga ah.
nin lagu magacaabo laszlo henyecz oo u dhashay mareykanka ayaa labo xabo pizza ah ku bedeshey 10,000 btc ah, waqtigaas bitcoin maleheyn qiime suuqeed la taaban karo wuxuuna laszlo si geesinimo leh u bilaabay iibsiga ugu horeyeey abid ee lacag dijitaal ah loogu beddelo badeeco dhab ah.
dhacdadaan waxaa lagu magacaabaa bitcoin pizza day waana maalin xasuus gaar ah leh oo si gaar ah looga xuso bulshooyinka crypto ee caalamka. Maaha oo kaliya in la xasuusto labo pizza ee waa in la qiimeeyo hal-abuurka go,aanka iyo dhabaha adag ee ay mareen kuwa rumeysnaa mustaqbalka bitcoin iyo technologyada blockchain.
hal abuurka ka dambeeyey pizza day.
marka aad maqasho (bitcoin pizza day) waxaa muhiim ah in aad fahamto waxa dhab ahaantii ay mataleyso waxay aheyd.
. Iibsigii ugu horeeeyey ee la hubo ee Bitcoin loogu beddeley badeeco dhab ah.
.barta is beddelka ee Bitcoin uga gudbey fikrad kaliya una beddeley in loo isticmaalo nolosha dhabta ah.
.tallaabo dhiiran oo muujisay hal-abuur iyo tibaabo guuleysatey.
Waqtigaas 10,000 btc waxay qiimo ahaan la mid aheyd ku dhowaad $41 dollar maanta? Qiimahaasi wuxuu dhaafay $900 oo million oo dollar labo pizza oo noqotay oo noqotay kuwa ugu qaalisan taariikhada aadanaha.
maxay ka dhigan tahay maalintaas?
bitcoin pizza day maaha maalmo lagu qoslo ama kaliya loogu dabaaldeggo waxay tahay.
xasuus: inkasta oo technologyadu cusub tahay qiimeynta iyo adeegsigeedu waxay u baahan yihiin dad rumeeya.
dhiirigelin: wax kasta oo weyn waxay ka bilaabmaan tibjaabo yar.
himilada dadka yaryar: laszlo wuxuu noqday astaanta halyeeyada u furay albaabka lacagaha dijitaalka ah.
waa maalin lagu xuso dadaalka bulsho yar oo waqtigaas la dagaalameysey faham la,aanta shakiga iyo caqabadaha heystay.
sidee dunidu maanta ugu dabaaldegtaa?.
sanad kasta 22-da may bulshada crypto waxay u dabaal degtaa bitcoin pizza day iyadoo lasameeyo.
.tartamo iyo gadiyado(giveaways).
.post-yo xasuus ah oo lagu xuso qiimaga btc maalintaas.
.maqaallo iyo wacyigelin bulshada lagu barayo taariikhda bitcoin.
.pizza lacuno oo lagu xasuusto laszlo iyo ficilkiisii geesinimada lahaa.
binance crypto.com iyo shirkado kale oo waaweyn ayaa si gaar ah u xusa maalintaan iyagoo dhiirigeliya dadka cusub si ay u fahmaan halka uu ka yimid bitcoin.
maxaad ka baran kartaa?
.waxaad kaloo ka baran kartaa waxaad maanta bilowdo xitaa wax yar berrito wuxuu noqon karaa wax taariikh weyn.
.Waxaad ka baran kartaa in horumarku uu ka bilaabmo marka qof go,aan geesinimo leh qaato
.sidoo kale waxaad ka baran kartaa in Fikradaha aan la, aqoon ay noqon karaan kuwo beddela nidaamka caalmaka.
bitcoin pizza day waxay na xasuusineysaa in aanaan dhayalsan hal-abuurka waxay bareysaa qof walba inuu qeyb ka noqon karo isbeddelka.
sidee adigu ugu dabaaldegi kartaa?
.la wadaag pizza ama cunto bulshadaada real or virtual.
.Qor post wacyigelin leh adigoo isticmaalaya hashtag #bitcoinpizzaday.
.baro ama bar dadka kale taariikhda bitcoin
. Baro inaad barato ama latacaamusho xitaa hadiiay tahay wax yar oo kaliya.
gunaanad:pizza day oo noqotay taariikh.
10,000 bitcoin ayaa laga bixiyey laba pizza ah maanta waxaa laga helaa, casharro qoto dheer hal-abuurka go,aanka iyo riyada mustaqbalka.
haddaba su,aasha muhiimka ah ee adiga ku quseysa waxay tahay:
adigu maxaad maanta ku bilaabi doontaa si berri laguu xuso?
GET IN TOUCH
AHMED DAUD
AA1122