solana waa blockchain casri ah oo loogu talagalay wax qabad sare xawaare sare xawaare deg deg ah iyo qiimo jaban oo wax kala iibsi ah.
waxaa la, aasaasay sanadkii 2017 waxaana hogaaminaayey nin la,yiraahdo anatoly yakovenko oo horay uga soo shaqeeyey qualcomm. Ujeedkiisu wuxuu ahaa inuu xalliyo dhibaatooyinka waxqabadka ee heysta blockchain-yada caadiga ah sida ethereum- kuwaasoo xawaare hooseeya iyo kharashyo sare.
solana waxay la.timid hal-abuurnimo dhanka nashaqadda ah oo gaar ah, taasoo ka dhigeysa mid awood u leh iney ka shaqeyso in ka badan 50,000 transactions per second (TPs) iyadoo leh waqti sugitaan (latency) aad u hooseeya.
. Proof of history (poh)
mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee solana waa hal-abuurka proof of history (POH) waa tiknoolajiyad lagu cabbiro wakhtiga si ammaan ah oo lagu xaqiijin karo blockchain-yada kale sida bitcoin iyo Ethereum waxay ku tiirsan yihiin saacadda node kasta ama computer kasta taasoo abuuri karta iskhilaaf waqtiyeed , lkn poh waxay awood u siisaa shabadda solana in si isku mid ah u aragto wakhtiga iyadoo la,adeegsanaayo hash gaar ah oo si taxane ah loo soo saaray.
.sealevel. waa Smart contracts isku mar shaqeeya
Solana waxay leedahay runtime loogu magac daray sealevel kaasoo u ogolaanaya smart contracts iney si isku mar ah u shaqeeyaan (parallel execution) blockchain yada kale sida ethereum waxay xalliyaan smart contracts mid mid ah taasoo xaddideysa xawaaraha.
sealevel. Waxay solana siineysaa awood ay si isku mar ah u maamuli karto kumanaan smart contracts ah iyadoo adeegsaneysa processor-yada badan ee hardware-ka casriga ah tani waxay sare u qaadeysaa wax qabadka dapp-yada iyo defi.
. Turbine: habka faafinta block ga
Solana waxay isticmaashaa hab layiraahdo turbine oo ah hab lagu qeybiyo blocks-ka si deg deg ah oo wax ku ool ah waxay lamid tahay habka bit torrent u shaqeeyo iyadoo block-kasta loo kala qeybiyo qeybo yaryar oo loo kala diraa nudes-ka shabakadda .
habkaan wuxuu yareeyaa culeyska shabakadda wuxuuna kordhiyaa hufnaanta taasoo u sahleysa solana iney gaarto xawaare sare oo aan caadi eheyn.
.gulf stream: ka faa,iideysiga transmission hore:
gulf stream waa tiknoolajiyad kale oo gaar ah oo u sahleysa validator-yada iney kasii shaqeeyaan wax kala iibsiyo hahor inta aysan xitaa gaarin blockga tani waxay meesha ka saareysaa wakhti lumis waxayna si weyn u dedejisaa sugitaanka(confirmation) wax kala iibsiyada.
.pipelining & cloudbreak:
Pipelining: Waa hab xasuusta iyo xisaabinta loogu kala saaro talaabooyin, si loo dedejiyo xawaaraha.
Cloudbreak: Waa keyd xogeed (database) awood u leh in si toos ah loo balaariyo, si loo maareeyo malaayiin account oo firfircoon.
tiknoolajiyadahaani waxay si wada jir ah u xoojiyaan awooda solana ee maareynta xogta badan.
. Proof of Stake (PoS) iyo DeFi Ecosystem.
Solana waxay isticmaashaa Proof of Stake (PoS) oo lagu daray PoH si loo helo isku-dheelitirnaan u dhexeeya xawaaraha iyo amniga. Xubin kasta oo network-ka ah oo haysta SOL (token-ka Solana) wuxuu ka qaybqaadan karaa staking si uu u helo abaalmarin.
Waxaa jira barnaamijyo badan oo DeFi ah oo ka socda Solana, sida Raydium, Orca, Serum, Mango Markets, iyo kuwa kale – kuwaas oo bixiya adeegyo sida is-weydaarsiga decentralized, amaah, iyo dulsaar toos ah.
.NFTs iyo Gaming.
Solana waxay si aad ah ugu xooggan tahay qaybta NFTs iyo Ciyaaraha (Gaming). Suuqyada sida Magic Eden iyo Solsea ayaa hormuud u ah NFT-yada Solana. Sababta ay u caan noqotay waxay tahay xawaaraha sare iyo kharashyada aadka u hooseeya ee minting iyo trading NFT-yada.
Ciyaaraha sida Star Atlas iyo Aurory ayaa sidoo kale ka dhisan Solana, iyadoo la adeegsanayo blockchain-ka si loogu dhiso duniyo ciyaareed metaverse ah.
.SOL Token.
SOL waa token-ka rasmiga ah ee Solana. Waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo khidmadaha wax kala iibsiga, lagu sameeyo staking, laguna maareeyo maamulka (governance) mustaqbalka. Waxa uu leeyahay xadad xadidan oo ah 489 milyan token, taasoo hoos u dhigaysa sicirka dhaqaale ee macmalka ah.
.Gunaanad
Solana waa mid ka mid ah blockchain-yada ugu casrisan uguna waxqabadka sareeya ee dunida maanta. Tiknoolajiyadeeda cusub sida Proof of History, Sealevel, iyo Turbine ayaa ka dhigaya mid u qalma codsiyada dApp, DeFi, NFT, iyo Gaming ee u baahan degdeg iyo dabacsanaan. Inkastoo ay jiraan caqabado iyo cilado uu mararka qaar la kulmay (sida network outages), horumarka uu Solana sameeyay ayaa ka dhigaya mid si weyn loogu tartamayo mustaqbalka blockchain.
Solana ma aha oo kaliya blockchain degdeg ah — waa hab cusub oo loo fikirayo mustaqbalka dhijitaalka ah.